Garoowe ayaa saaka ku waabiriisatay iyado inta badan gidaarada,Meheradaha ganacsiga iyo wadooyinka waawayn lagu Xardhay qoraalo Caro ka muuqato balse tabar siday noqon doonto lama saadaalin karo walow saacadaha soo socda Caasimada uu ku wajahanyahay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.
Qolyaha Mucaaradka ayaa horay ku guulaystay in ay hor istaagaan rabitaanka shacabka iyagoo joojiyay doorashada sadexda degmo Dangorayo,Godobjiiraan iyo Garoowe welina ma jiro heshiis wada ogol ah oo doorashada laga gaaray.