Golaha Deegaaanka Saylac oo doortay Maayar Cusub, Xilkiina ka qaaday kii Hore

Saylac,(Qaran news)-Golaha deegaanka ee degmadda Saylac ayaa doortay Maayir cusub kii horena xilka ka qaaday.

Guddoomiyaha gobolka Sellel Mawliid Maxamed Nuur, ayaa goob joog ka ahaa fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen Golaha Degaanka ee Degmada Saylac, isla markaana ay ka soowada xaadireen dhammaan mudanayaasha golaha degaanka degmadaasi, ayaa Maxamuud Cigaal Wacays u doortay Maayir cusub, xilkiina ka qaaday maayirkii hore Degmada Saylac Yuusuf Cawaale Daahir.

Duqa cusub ee loo doortay degmada Saylac Maxamuud Cigaal Wacays, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in doorashadii saaka dhacday ee uu ku guulaystay ay u dhammaayeen dhammaan hay’addaha dowladda ee gobolka Selel, waxaanu xusay in fadhiga aan caadiga ahayn ee lagu doortay ay u ogolaatay wasaaradda arrimaha gudaha JSL.

Gaba-gabadii waxa uu sheegay in doorashadaasi si xor iyo xaalala ay u dhacday, waxaanu u mahadceliyay dhammaan xildhibaanadii u codeeyay.