Golaha guurtida ayaa u eeg mid ka sii baxaaya gacanta xukuumadda Muuse Biixi iyada oo hore si aqlabiyad ah ay golaha wakiiladu ay u noqdeen kuwo xor ah oo u shaqeeya umaddii soo doiratay iyo qawaaniinta dalka u yaala.

Golaha guurtida ayaa isna dhabdaasi ku soo dhacay kadib markii maanta uu gudoomiyaha guurtidu uu xildhibaanada ka dalbaday in ay ansixiyaan ama cod u qaadaan xeerkii doorashooyinka ee uu Muuse Biixi ku soo celiyay.

Golaha ayaa maanta u furmi waayay kooram laan iyada oo 50 xildhibaan oo ka tirsan golaha guurtidu ay ka dhiidhiyeen xeerkaasi aan iyaga khusayn ee golaha lagu soo celiyay taasi oo ay u arkaan in xeerkii iyaga ka baxay uuna sharci ahayn in iyaga dib loogu soo celiyo.

Dalka ayaa galaay isbadal siyaasadeed oo mug leh mar hadii ay labada gole ee wakiilada iyo guurtidu ay isla jaan qaadeen iyaga oo tix galinaaya shuruucda dalka u taaaala.

Dalkana waxa kali ah ee ku iibsamayaana ay tahay in dalka la galiyo doorashooyinkaasi isi saaran ee la filaayo in ay qabsoomaan sanadkani daba yaaqadiisa