Golaha Guurtida oo sheegay inay Bil la maqnaanayaan Xeerkii Doorashada iyaga oo 2 bilood oo hore fasax galay

Hargeysa(Qaran)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa muddo bil ah dib u dhigay gudo galka xeerarka isa saarka Doorashooyin ka Qaranka, kaasi oo guddidii loo saaray dhawaan ay soo jeediyeen in mudo bil ah, loogu daro ka shaqaynta Xeerarkaasi.

Fadhigii saaka ee Golaha Guurtida oo uu shir-gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa gudidii uu u xulay ka soo talo bixinta xeerarka Doorashooyinka, ka codsay inay shaqadii ay qabteen sadexdii maalmood ee u danbeeyay ay la wadaagaan golaha.

Intaasi kadib gudoomiyaha guddida loo saaray xeerarkaasi ayaa Gole waynaha ka codsaday in aanay ku filnayay mudada la siiyay, soona jeediyay in loogu daro muddo bil a.

Ugu danbayn Gudoomiyaha golaha guurtida ayaa ku dhawaaqay in muddo bil ah loogu daray gudidad ka shaqaynaysa xeerarka Doorashooyinka Qaranka.
Geboโ€™gabadii gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa sheegay inuu safar dibad ah u baxayo, intaasina uu golaha uu golaha sii wadao gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida Mudane Siciid Jaamac Cali.

Golaha guurtida ayaa fasax 2 bilood ah la galiyay xiligii loo soo gudbiyay xeerka doorashooyinka isi saarka ah bishani ay hada codsadeena waxa ay ku noqonaysaa 3 bilood mudadaasi oo ka go’an xiliga ka hadhay doorashada taasi oo ay u eegtahay in la doonaayo in wakhtiga doorashooyinka dib loo sii riixo ujeedo gaar ah awgeed