Golaha Guurtidda oo Ansixiyay Xeerarkii Doorashooyinka
Haŕgeysa(Qaran news)-Golaha guurtida Somaliland ayaa saaka ansixiyay xeerarka is saarka doorashooyinka iyo xeerka ciidanka Qaranka JSL.
Fadhigii maanta ee golaha Guurtida oo uu guddoominayey Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa goluhu mèelmariyay labada xeer ee doorashooyinka waxana ogolaaday 66 xildhibaan waxa diiday hal mudane. Cid ka aamustayna ma jirto.
Labada xeerba waxa u coddeeyay tiro isku mid ah. Waxa la sheegay in xeerarka loogu codeeyay Boqolkiiba labaatan in urur waliba ka helo gobollada dalka.
Sidoo kale Golaha Guurtida ayaa isla maantaba u gudbiyay Golaha Wakiillada oo lagu wado inay iyana berri meel mariyaan.