Golaha Wakiillada oo Diiday Ansixinta Wasiir Cali Xoor-xoor

Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku diiday ansixinta Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Coir xoor) oo maanta hortagay Golahaas.

Fadhigii maanta ee golaha Wakiillada oo uu gudoominayey Guddoomiye Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) waxa diiday
30 Mudane, halka
6 xildhibaan ogolaadeen.

Sidoo kale waxa ka aamusay 9 Xildhibaan oo kale, Guddoomiyuhuna muu codeyn.

Sida uu dhigayo sharciga Somaliland madaxweynaha ayaa mar kale Golaha dib ugu soo celin kara Wasiirkan la diiday.

Maaha markii u horeysay ee golahani diidaan ansixinta xubnaha xilalka loo magacaabo, waxayna mar sii horraysay ay diideen saddex xubnood oo ka tirsan Komishanka doorashooyinka oo ku jiro guddoomiyaha xiligan ee Komishankaasi waxaanay markii dambe saddexdii xubnoodba ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah.