Golaha Wakiillada Somaliland oo Guddi u saaray is waafajinta Doorashooyinka
Hargeysa(Qaran news) Fadhigii maanta ee uu gudoominayey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa maanta guddi xildhibaano ah u magacaabay is waafajinta doorashooyinja Urururrada iyo Madaxtooyada.
Guddoomiyuhu wuxuu xildhibaannada uu u magacaabay faray inay is waafajiyaan talo soo jeedinta madaxweynaha ee labada doorasho ee ka dhashay go’aamadii salaadiinta dhaqanka ee beelaha bariga Burco, kuwaasi oo looga gol lahaa in lagu soo afjaro khilaafkii doirashooyinka.
Xildhibaanada Guddoomiyuhu magacaabay oo ahaa 11Xildhibaan.