Golaha Wasiirada Somaliland oo War cusub ka soo saaray Dagaalka Laascaanood

Fadhigii 109aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenku Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa lagaga hadlay qodobbo kala duwan.
Ugu horreyn, waxa war-bixin guud oo la xidhiidha amniga dalka laga dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, sidoo kale waxa goluhu war-bixin ku saabsan Dhaqaalaha Dalka laga dhageystay Wasiirka Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda, Dr Sacad Cali Shire.
Intaa ka dib, goluhu waxa uu dood iyo falan qayn dheer ka dib soo saaray qodobbo muhiima oo salka ku haya arrinta Laascaanood, kuwaas oo kala ah:
1. Wuxuu goluhu hambalyo iyo taageero u muujiyey ciidammada qalabka sida ee heeganka iyo difaaca hadh iyo habeenba ugu jira dalkooda iyo dadkooda sidii ay u difaaci lahaayeen, una sugi lahaayeen amniga guud ee dalka.
2. Goluhu waxa uu caddaynayaa in dagaalka Puntland ka waddo Magaalada laascaanood uu yahay mid ay ku doonayso in ay ku samayso xuduud qabyaaladeed, kaas oo saamayn ku yeelan kara xasilloonida iyo degenaanshiiyaha Geeska Afrika.
3. Goluhu waxa uu garawsan yahay in ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shacabkeeda Laascaanood ay heshiin doonaan, mar walba oo dagaal dhacana waa laga heshiiyaa, balse Goluhu waxa uu dul istaagay muhiimadda ay leedahay in Laascaanood laga sifeeyo Ciidammada Puntland iyo Kooxaha Argagixisada ah ee ciidamada dagaalka kula jira, si loo sugo Xuduudaha Dalka.
4. Goluhu waxa uu iftiimiyey in ay Jamhuuriyadda Somaliland mar kastaba diyaar u tahay in arrinta Laascaanood lagu soo dabbaalo nabadgelyo, xabbad-joojin iyo wada-hadal, intaan khasaaruhu intaa ka sii ballaadhan.
Ugu danbayn, golaha waxa loo qaybiyey si ay u soo akhriyaan, isla markaana shirarka danbe looga doodo labadan xeer ee kala ah;-
1. Qabyo-qoraalka xeerka Komishanka Doorashooyinka Qaranka.
2. Kaabista iyo wax-ka beddelka xeerka gaadiidka iyo waddo-marista (Xeer Lr.56/2023.