
Golahii barlamaanka ee bariga gobolka Sool ayaa gabi ahaanba burburay oo lagu kala yaacay tan iyo intii ay xildhibaanad Fahiima Quunje ay ka goostay magaalada Laascaanood waxa bilwday furfur iyo kala yaac kj yimid golahaasi.
Waxa ayaamaha fooda inagu soo haya Somaliland soo gaadhi doona tiro aad u faro badan oo xildhibaano ah oo ka soo goostay magaaladda Laascaanood kuwaasi oo ku soo waajahan Somaliland.
Dhanka kalena waxa xalay ku dhawaaqay in ay fikirkii ay aamisanaayeen ee maamulka Laascaanood ay ka tanaasuleen oo iska baxeen 5 xildhabaan oo ka doo jeeda beesha Warsangali, kuwaasi oo ay wararku sheegayaan in ay iyaga laftoodu ay wada hadal house la furteen dawladda Somaliland oo ay iyana dhawaan ku biiri doonaan Somaliland oo sh dalkoodii.





