Waxa dalka soo gaadhay goob joogayaal caalami ah oo la socon doona doorashada Somaliland ka dhici doonta 13ka November oo ay inaga xigto ayaamo kooban

Goob joogayaashani ayaa u kuur gali doona sida ay u qabsoomi doonto doorashadu, waxana saaka tababar loo furay 23 ka mid ah goob joogayaasha oo dalka ku sugan kuwaasi oo shalay dalka soo gaadhay