Waxa degmada Go’da ku sii qul qulaaya madax dhaqameedka iyo wax garadka beesha Garxajis, waxana maanta halkaasi u baxay oo ka baqoolay magaaladda Hargeysa gudiga rasmiga ah ee beelaha Garxajis.
Waxana iyana halkaasi ay isugu imanayaan hogaanka dhaqanka ee beelaha Habarjeclo oo iyagu dhawaan ku dhawaaqay in ay ka qayb qaadanayaan xalinta khilaafka ee jabhada Gacanlibaax iyo xukuumadda Somaliland, waxa iyana maalinta bari ah magaaladda Hargeysa ka anbabixi doona gudida ganacsatada ee beelaha Garxajis oo ku biiri doona hogaanka dhaqanka ee beelaha halkaasi isugu tagaaya iyada la filaayo in madax dhaqameedyo kale oo reer Somaliland ahi ay tagi doonaan ayaamaha soo socda.
Socdaalkani iyo nabadaynta ugubka ah ee halkaasi ka bilaabmaysa ayaa laga soo dhaweeyay dhamaan dalka oo dhan gaar ahaan magaaladda Hargeysa oo ah caasimadda Somaliland.