Guddida Garsoorka ee Wakiillada oo Xog-waraystay Masuuliyiin ka Tirsan Hay’adda ICRC

Hargeysa(Qaran news)-Gudidda Garsoorka, Caddaaladda, Shuruucda iyo Xuquuqda Aadamaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta Kulan la yeeshay Madaxda sare oo ka socday Ha’ayadda Bisha Cas (ICRC).

Kulankan oo uu gudoominayay ku-simaha Guddoomiyaha Gudiddaas Md. Fu’aad Axmed isla markaana ay joogeen xubnaha guddida ayaa Weftiga ICRC ka Xog-waraystay shaqada hay’adda iyo Xaaladda maxaabiista dagaalki Laascaanod lagu qabtay iyo dedaaladii ay ka galeen.

Dhinaca kale guddida Garsoorku waxay war bixin ka siiyeen shaqada guddida iyo kormeero ay ku soo mareen xabsiyada dalka iyo baahiyhii ay ku soo arkeen sidii wax looga qaban lahaa maxaabiistana gargaar loo gaadhsiin lahaa.

Ma jiro war dheeraad ah oo laga soo saaray tafaasiisha qiddobada ay ka wada hadleen labada dhinac.