Guddida Garxajis oo Xukuumadda ku Wareejiyay Gaadiidkii ay Qabsadeen Jabhada Gacan-libaax


Hargeysa(Qaran news)-Guddida Garxajis ayaa Xukuumadda Somaliland ku wareejisay gaadiidkii ay Jabhada Gacan Libaax hore u qabsadeen.

Waxa madashaasi ka ka qaybgalay saraakiil ciidan iyo badhasaabka gobolka Maroodijeex Maxamed Axmed Caalim Tiimbaro.

Waxa kaloo Goobjoog ka ahaa guddidii dhex dhexaatinta khilaafka ee beesha bariga Burco.

Suldaan Axmed Cismaan Caddegude oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay xukuumadda ku wareejinayaan baabuurtii jabhadii gacan libaax ay qabsadeen oo iskugu jiray baabuur ay ka qaadeen Hay’adda Hallo Trust iyo kuwo ay lahayd Xukuumadda Somaliland.

Waxaanu sheegay inay soo gabogabeeyeen arrintii Jabhada Gacan libaax, waxaanu ammaanay dhallinyaradii iyo saraakiishii jabhadaasi horjoogaha u ahaa ee aqbalay inay ka soo deganaan halkaasi.