Maanta oo ay taariikhdu tahay 14 October 2025, guddida gogosha nabadda ee Ceerigaabo ayaa si rasmi ah u soo afjartay dhammaan wixii dhiig ahaa ee aan hore loo xallin ee ka jiray degmada Ceerigaabo.
Kala xaajo qaadashadii ugu danbaysay ayaa labada beelood ee walaalaha ah ee Bahwadaag Bahogayslabe (Warsangeli) iyo Cabdalle Xaamuud (Muuse Ismaaciil), maanta laga gaadhay heshiis buuxa.
Marxuumka dilkiisa laga heshiiyey ayaa ahaa marxuum Ahmed Cabdi Cumar (Hadal yare), kaas oo 29 October 2024 lagu dilay Ceerigaabo.
Guddida ayaa si hawlkarnimo iyo dadaal badani ka muuqdo isugu soo jiiday labada dhinac, waxaana la gaadhay heshiis rasmi ah.
Heshiiskan ayaa meesha ka saaray dhammaan wixii tabashooyin iyo colaad dhiig ah ee hore u jiray.
Guddida gogosha nabadda ayaa muddo afar toddobaad ah ku hawlanaa dhexdhexaadinta iyo xallinta khilaafyada beelaha, iyagoo kulamo isdaba joog ah la yeeshay dhinacyada loo kala dab qaadayey.
Gogosha nabadda ee uu hormuudka ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah loo furi doonaa maalmaha soo socda, taas oo gundhig u noqon doonta nabad waarta iyo xasillooni gobolka ka hanaqaadda.
Guddida iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku boorriyay dhammaan shacabka reer Sanaag in ay ilaaliyaan nabadda, xasilloonida, iyo walaaltinimada.
Guddida gogosha nabaddu waxay u mahadnaqaysaa cid kasta oo muujiyay dulqaad, biseyl iyo tanaasul. Sidoo kale waxay bogaadinaysaa taageerada shacabka, culimada, haweenka, aqoonyahanka iyo odayaasha dhaqanka ee gacanta weyn ka geystay hirgelinta heshiisyda taariikhiga ah.
Waxaan dhammaan bulshada gobolka Sanaag iyo guud ahaan shacabka Somaliland u rajaynaynaa nabad, walaalnimo, barwaaqo iyo horumar.







