Guddida Joogtada ee Golaha Wakiillada oo Doortay Guddoomiye Cusub


Hargetsa(Qaran news)-Guddida joogtada iyo Anshaxa ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa guddoomiye u doortay Xildhibaan Faysal Yuusuf Jaamac.

7 xildhibaan ayaa fadhiga doorashada ka soo xadiray 6 Mudane ayaa u coddeeyay.

Guddooniye ku xigeenka oo shir Guddoominayay isna aanu codeyn, xildhibaan Cabdillaahi Muuse.

Guddoomiyaha guddida waxa hore u ahaa Alle ha u Naxariistee Nuur Cismaan Guuleed, oo dhawaan geeriyooday.