Guddida Wasiirrada Marinka Berbera oo Shir ku Yeeshay Hargeysa

Hargeysa(Qaran news)-Guddida Horumarinta Marinka Berbera ayaa maanta yeeshay kulankoodii isku-dubbaridka ahaa ee ay kaga wada-hadleen ka faa’iidaysiga marinka.

Waxaana kulankaa shirgudoominayay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Somaliland mudane Maxamuud Xasan Sacad, waxaana ku wehelinayay shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Gaadiidka iyo qaar kamida Guddida sare ee hormarinta marinka.

Waxaana lagaga wada hadlay sidii loo hormarin lahaa isla markaana looga faa’iidaysan lahaa Marinka Berbera.