Guddidii Habarjeclo oo Shaaciyay inay Dhinacyada is Khilaafdani Siiyeen Kalsooni Buuxda
Hargeysa(Qaran)- Afhayeenka Guddida Beelaha Habarjeclo ee ku hawlanaa furdaaminta khilaafka dalka Mr.Cabdilaahi Yuusuf Gubadle ayaa shaaciyay inay heleen kalsoonidii ay ka doonayeen dhinacyada khilaafka doorashooyinku u dhexeeyeen.
Sidaasna waxa ku sheegay bayaan ay Guddida Habarjeclo wadajir u soo saareen, waxaanu u mahadceliyay madaxweyne Muuse Biixi, labada xisbi mucaarid oo uu tilmaamay inay ka heleen oo ay u soo dhammaatay hawshii kalsooni siinta ay ku geli lahaayeen xal u helida khilaafka ka taagan dalka.
Afhayeen Cabdilaahi Yuusuf Gubafle waxa kaloo uu u mahadceliyay Guddida Beelaha Garxajis oo uu xusay inay gacanta ku qabteen arrinta nabadgelyadda.
Waxa kaloo uu qurbojooga ah iyo bulshadaba ugu baaqay inay Ilaahay ka baqdaan oo aanay ka shaqeynin hurinta colaada iyo wixii ummadda kala qaybinaya, taasi oo aan loo baahnayn.
Sidoo kale, waxay intaas ku dareen inay hadda geli doonaan sidii loo furdaamin lahaa khilaafka jira.