Guddidii is waafajinta Doorashooyinka oo Gudogalay Naaqishadaada Talooyinkii ay Ururiyeen iyo soo saarista Qaraarka ay horkeenayaan Wakiillada

Hargeysa(Qaran news)-Guddida Iswaafajinta Xeerarka Doorashooyinka Golaha Wakiillada JSL oo weli ku guda jira hawlihii shaqo ay gacanta ku hayeen ka dib markii Todobaadkii la soo dhaafay ay soo gabo-gabeeyeen 16 kulan wada-tashi oo ay 16 hay’addood kala duwan la yeeshen, ayaa Maalintii Sabtida 16 September gudo-galay wejigii labaad qorsha-hawleedkooda oo ah falanqaynta iyo naaqishida xeerarka oo ku salaynayaan waxyaabihii uga soo baxay kulamadii hay’addihii ay la kulmeen.

Fadhiyadii saddexdii fadhi ee ugu dambeeyay oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Gudidaasi Cabdinaasir Yuusuf Cismaan (Qodax), waxay bilaabeen iskugurka, naaqishida iyo ka doodidda Xeerarka Doorashooyinka khuseeya oo kala ah Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Cod-bixyayaasha Xeer Lr. 91/2020 iyo iyo Xeerka Ururrada Axsaabta Siyaasada Xeer lr. 14/2011.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo kulankii maanta Guddida kala qayb-galay ayaa Gudidda ku amaanay sida xil-kasnimada leh ee ay hadh iyo habeen u shaqaynayaan, wuxuuna ugu duceeyay in hawsha Illaahay u fududeeyo, isagoo ugu dambeyn ku boorayay inay hawsha dedejiyaan oo sida ugu dhakhso badan gole weynaha ugu soo celiyaan si uu waajibaadkiisa uga guto.

Hadaba, Gudiddu waxay Fadhiyadii Sabtidii iyo Axadii ka dooddeen Xeerka Doorashooyinka Guud Xeer Lr. 91/2020 iyagoo falanqayntooda ku salaynaya wixii uga soo baxay kulamadii wada-tash. halka Fadhigii saakana guda-galeen Xeerka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer Lr. 14/2011, Xeerarkaas oo gabo-gabo ku dhow Waxa u qorshaysan inay fadhiyada soo socda ay soo gabo-gabeeyaan hawsha Xeerarkaas oo ay saxal tireen, wixii gal-daloolooyin ku jirayna ka saxay, isla markaana waafajiyeen oo ay ku saleeyeen baahiyaha doorasho ee taagan si doorashooyin hufan oo wanaagsan inoogu dhacaan.