Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Dhaariyay Cildhibaan cusub oo ku biiray Guurtidda

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda JSL, oo dhaariyay xubin buuxinaysa jago ka bannaanaatay Golaha Guurtida JSL.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/03/2023, dhaariyay Qaasim Xuseen Madar, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaya mudanayaasha Golaha Guurtida JSL.

Xubinta la dhaariyay ayaa buuxiyay, jago uu dhawaan banneeyay, Alle ha u naxariistee marxuum Xuseen Madar Xoosh, taasi oo uu Guddoomiyaha Golaha Guurtidu Maxkamadda Sare u soo gudbiyey, codsi uu ku dalbanayo in xilkaasi loo dhaariyo, mudane Qaasim Xuseen Madar, si uu u buuxiyo jagada banaanaatay.

Dhaarinta ka dib guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay mudanaha in uu qaranka ugu adeego, si daacad ah oo hufan, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.