Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Go’aanka Ka Soo Baxay Shirkii Beelaha Habarjeclo

London,(Qaran news)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa soo dhaweeyay go’aanka ay soo saareen beelaha Habarjeclo.

Guddoomiyuhu wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u qornaa sidan:-

“Waxa aan bogaadinayaa go’aannada ka soo baxay shirka TALO-WADAAG ee beelaha Habarjeclo uga socday magaalada Burco, kuwaas oo aan u arko inay horseedi karaan nabad waarta oo dhexmarta dadka deegaanka, kana qayb qaadata xasilloonida guud ee mandaqadda Geeska.

Si gaar ah, waxaan ku bogaadinayaa waxgaradka iyo aqoonyahanka beesha Habarjeclo in ay guddoonsadeen nabadda iyo difaaca deegaannadooda iyo inay caddeeyeen in aanay cidna weerar ku ahayn. Qof kasta iyo deegaan kastana nabad iyo wada-noolaansho ayaa u dan ah.

Ugu dambayn, waxa aan soo dhaweynayaa baaqa uu shirka Talo-wadaag ka soo saaray dhammaystirka xeerka doorashooyinka, si aynnu uga baaqsano xasillooni-darro siyaasadeed oo cusub.”