Guddoomiye Faysal oo la Kulmay Weftiga Danjiraha Maraykanka

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, oo ay weheliyaan Xoghayaha guud ee xisbiga Maxamed Xuseeen iyo Af-hayeenka xisbiga Maxamed Bilaal, ayaa maanta magaalada Hargaysa kulan kula qaatay, wafti uu hogaaminayo sii-hayaha Safaarada Maraykanka Mudane Shane Dixon iyo Xoghayaha koobaad ee Safaarada Maraykanka u qaabilsan siyaaasada iyo dhaqaalaha mudane Geoffrey Parker.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay xaaladda guud ee dalka, arrimaha siyaasadda, Doorashooyinka iyo xidhiidhka labada dal.