Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu soo saaray ku cambaareeyay in Suxufi Maxamed Cabdi Ilig la horgeeyay Maxkamad millatari.

Qoraalka guddoomiye Xirsi uu ku difaacayo warbaahinta wuxuu u qornaa sidan:-

“In suxufi rayid ah la horgeeyo maxkamad millatari gabi ahaanba waa sharcidarro, waana arrin ugub ah oo ina tusaya in la doonayo hirgelinta xukun millatari iyo in dimuqraadiyadda meesha laga saaro.

Saxaafadda madaxabannaan kaalin mug weyn ayaa ay ugu jirtaa dawladnimada iyo taabbagelinteeda. Xuquuq ayayna leeyihiin saxafiyiintu uu Dastuurka Qaranku u dammaanad qaaday, wixii loo haystana waa in isla habka dastuurku dhigayo loo maraa oo sharciga aan marnaba la baal marin.

Si adag ayaannu u cambaaraynaynnaa falka lagula kacay saxafi Maxamed Ilig, waxana aannu ku baaqaynnaa in si degdeg ah uu xorriyaddiisa u helo!Warbaahintu dambi ma aha.”