Gudiga doorashooyinka qaranka ayaa ku kala jabay warqad ay hore dhamaantood u diideen in ay Maxkamadda Sare u qoraan ka dib markii ay xukuumaddu hore uga codsatay in ay sidaasi yeelaan oo ay maxkamada sare weydiiyaan doorashada dalka ka hor qabsoomi doonta, xili ay xukuumadda Muuse Biixi fool eryaysay sidii loo qaban lahaa doorashada ururada xisbiyada mucaaridkuna ay doonayaan in doorashada madaxweynaha ay sharci tahay lana qabto doorashadaasi

Hadaba iyada oo gudiga doorashooyinku iyaga oo isu dhan ay arintaasi in ay warqad u qoraan Maxkamadda Sare ku tilmaamay mid aan shuruucda waafaqsanayn oo ay tahay sharci daro ayaa shalay ay qayb ka mid ah gudigu ay warqad aan lagu midaysnayn ay u direen Maxkamadda Sare, arintaasi oo buuq hor leh ka dhex abuurtay gudiga doorashooyinka.

Arintani ayaa ah buuq siyaasad oo hor leh oo ku soo biiray siyaasadii murugsanayd ee hore uga dhex taagnayd xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka.

Ilaa hada arinkani kama ay hadal xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka ee Waddani iyo UCID. Waxana jira guux xoogan oo ay arintani ilaa maanta iyo caawa dhalisay