Xubnaha kominshanka Doorashooyinka qaranka oo uu hogaaminaayo Gudoomiyahoodu ayaa maanta booqasho iyo salaan ugu yimi Madaxweynaha la doortey ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro .

Kominshanka iyo Madaxweynaha cusub ayaa iska xaal wareystay shaqadii cusleyd ee doorashooyinkii ay dhawaan dalka ka qabteen

Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Madaxweynaha cusub ee JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa kominshanka Doorashooyinka ku aamanay,isla markaana ku bogaadiyey inay dalka ka hir geliyeen doorashooyin Somaliland sumcad weyn u soo jiiday.

Xubnaha gudiga doorashooyinka qaranka ayaa sidoo kale la kulmay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo sidoo kale gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe