Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL (KDQ) ayaa maanta xaruntooda ku qaabilay wefti ay hoggaaminayso Madaxa Xafiiska UK ee JSL, Marwo Louise Hancock, oo uu wehelinayo Khadar Muhumed, Madaxa Arrimaha Siyaasadda ee Xafiiska UK.

Kulanka ujeeddadiisu ahayd is-xogwaraysi, xoojinta wada-shaqaynta labada dhinac. KDQ ayaa weftiga warbixin ka siiyey qorshaha hirgelinta Nidaamka Casriga ah ee Maareynta Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha (EMIS), iyadoo qaybta ugu horreysa ay noqon doonto diyaarinta iyo hirgelinta Daraasadda (Feasibility Study) ee nidaamka cusub oo KDQ bilaabi doono todobaadkan.

KDQ waxa uu dawladda Boqortooyada Ingiriiska (UK) uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee ay ka geysato hawlaha diiwaangelinta, doorashooyinka iyo kor-u-qaadista awoodda hay’adeed ee KDQ, iyo taageerooyinka kale ee lagu dardargelinayo geeddi-socodka dimuqraadiyadda Somaliland