Gudigii ganacsatada ee ku dhex jiray sidii ay u xalin lahaayeen colaada jabhada Gacanlibaax iyo xukuumadda Somaliland ayaa faashil ku dhamaaday gudigani ayaamahii ina soo dhaafay ay dhex dhexaadin ka dhex wadeen madaxweynaha Somaliland iyo hogaamiye dhaqameedka beesha Garxajis ayaa arintaasi u taag iyo maaro waayay, gudigani oo xataa dhowr jeer lakulantay xisbiga Waddani ayaa arinkoodu waxa uu ku soo dhamaaday guul daro.

Gudigani oo aad moodo in ay xalka ka raadinayaan gudaha Hargeysa ayaan marna la kulmin madaxda Jabhada ku jirta Buurta Gacan-libaax

Wararku waxa ay sheegayaan in gudigaasi ganacsatadu ay arinka xalinta khilaafkaasi ay ku wareejiyeen shir gudoonka golaha wakiilada Somaliland oo ay wahelinayeen 12 ka mid ah xildhibaanada golaha wakiillada.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay gudiga ganacsada ee arinkaasi iska wareejisay iyo golaha wakiiladaba.