
Wasiiru-dawlaha arrimaha gudaha iyo amniga, Cabdirashiid Magaalo iyo guddoomiyaha gobolka Sanaag Maxamuud Raage ayaa kulan muhiim ah la qaatay waxgaradka, cuqaasha iyo bulshada deegaanka Xaadh ee degmada Maydh, halkaas oo dhawaan shaqaaqo ka dhacday.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta nabadda, xoojinta wada-hadallada, iyo sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladdii ka dhacday deegaankaasi.
Masuuliyiinta ayaa bulshada ku boorriyay ilaalinta nabadgelyada, ka-fogaanshaha wax kasta oo horseedi kara colaad, iyo xoojinta wada-noolaanshaha, iskaashiga, iyo midnim























