Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland oo hambalyo u diray Shacbiga Somaliland munaasibadda Ciidal Fidriga awgeed.
20/04/2023- 29/09/1444-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu dhambaal hambalyo ah u dirayaa Ummada Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan gaar ahaana shacbiga Somaliland, farxada maalinta Ciidal Fidriga awgeed, oo ku beegan Jimcaha beri ah oo ay bisha Shuwaal ee taariikhda Hijriyadu kow tahay. (01/10/1444) Guddoomiyuhu waxa uu shacbiga u rajeeyay farxad, caafimaad, bash-bash iyo barwaaqo in ay ku ciidaan, Ilaahayna nabadda iyo badhaadhaha u siyaadiyo, acmaashii wanaagsanayd ee bisha Ramadaana innaga aqbalo.
Guddoomiyuhu waxa uu bulshada ku booriyay in ay khayrka isku kaashadaan, wanaaga xoojiyaan, isku naxariistaan, is-kaalmeeyaan, isna cafiyaan. Waxaanu Ilaahay uga baryayaa in ciidan, ciideeda ku gaadhsiiyo cimri dherer, caafimaad-qab iyo cibaado suuban.
Wa bilaahi tawfiiq.