Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo la kulmay Madaxweynaha kenya “Nairobi”

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ayaa a kulmay Madaxweynaha dalka Kenya, H. E. DR. William Ruto iyo Madaxweyne Kuxigeen, Prof. Kithure Kindiki oo ku maamusay munaasabad ay Xisbul Xaamimka iyo xukuumadda Kenya lahaayeen, iyadoo guddoomiye Xirsi iyo wefti uu hogaaminayaa ay hore kulamo muhiim ah ula yeesheen xisbiga xukuumiga ah iyo baarlamaanka dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa war qoraal ah oo uu ku baahiyey barta Facebook ku sheegay in weftiga uu hogaaminayaa Kulamo la yeesheen madax kala oo dalka Kenya ah.

Qoraalka uu baahiyey ayuu ku yidhi:- “Waxa aan maanta la kulmay Madaxweynaha dalka Kenya, H. E. DR. William Ruto iyo Madaxweyne Kuxigeen, Prof. Kithure Kindiki oo igu maamusay munaasabad ay Xisbul Xaamimka iyo xukuumadda Kenya lahaayeen, halkaas oo aniga iyo wefdigaygu aannu hore ugula kulannay masuuliyiin muhiim ka ah xisbiga xukuumiga ah iyo baarlamaanka dalka Kenya.

Kulannadan nooga qabsoomay dalka Kenya ayaa ilaa maalintii aannu nimid naloogu soo dhaweeyay si aad u qiimo badan”

Socdaalka weftiga Guddoomiyaha ayaa qayb ka ah siyaasadda xisbigayga iyo xukuumadda WADDANI ee in Somaliland yeelato saaxiibbo dalalka Geeska ah si aann u xoojinno dedaallada aqoonsi-raadinta Somaliland.