Gudoomiyaha xisbiga Waddani mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa dhaliilay habka ay Maxkamadda sare u dhaqmayso, waxana uu sheegay in maxkamadii xalka qayb ka noqon lahayd ay ku milantay xukumadii, qoraal uu gudoomiye Xirsi ku baahiyay bartiisa Twitarka oo koobnaa waxa uu nuxurkiisu u dhignaa sidan hoos ku xusan.
Maxakamada sare ee Dastuuriga ah oo laga filayay in ay xalka qayb ka noqoto ayaa waxa muuqata in ay ku milantay xukuumaddii oo ay u tafaxaydatay in ay muranka daraf ka noqoto oo shaqadii Golaha Wakiillada soo gasho.
Waxa aannu uga digeynnaa in ay hore ugu socoto talaabadaa gurracan, Somaliland intaa taagan ayaa dhib ugu filan ee ha uga darina oo qaranka dhiig-buxu ku socdo dhaawac kale ha u geysannina!