Guddoomiyaha Xisbiga Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan oo ay weheliyaan xoghayaha guud Mudane Khadar Xuseen Cabdi, Madaxda garabka dhallinyarada heer Qaran iyo masuuliyiin kale ayaa galabta wakhti la qaatay qaybo ka mid ah dadweynaha degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.