Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL, Mudane Siciid Mire Faarax (Giire), ayaa maanta shirguddoominayey kulanka Guddida Hawlaha Golaha (Business Committee).

Ka dib isku shaandhayntii uu sameeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland (JSL), Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Guddida Hawlaha Golaha ayaa qabatay kulankoodii ugu horreeyay ee lagu falaanqaynayey hawlaha iyo qorsheyaasha shaqo ee guddidu u gudan doonto muddada soo socota.

Kulankan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray habsami-u-socodka shaqooyinka guddida, isku dubaridka hawlaha Golaha Wakiillada, iyo dardargelinta waajibaadka shaqo ee ay guddidu u xil-saaran tahay.

Intii kulanku socday, waxaa la isku afgartay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn joogto ah, hufnaan shaqo, iyo dardar gelinta hawlaha Golaha si loo hubiyo in qorshayaasha guddidu ay noqdaan kuwo waxtar leh oo waafaqsan waajibaadka Golaha Wakiillada JSL.