Gudoomiye Xirsi ayaa Socdaal ku Tagay Wadanka Jabuuti.

Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Wadani Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa gaadhay Magaalada Jibuuti ee xarunta ah Dalka Jabuuti waxaana Gagida Diyaaradaha kusoo dhaweeyey Danjiraha Somaliland u fadhiya Somaliland Cabdifataax Siciid Axmed isla markaana Gudoomiye Xirsi waxa loo galbiyey Magaalada waxaanu Danjiruhu u sameeyey Qado sharaf meeqaamkeedu sareeyo.

Gudoomiyaha Xisbiga Talada haya ee Wadani Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maalmaha soo socda halkaasi ku joogi doonaa socdaalkiisa.