Djibouti, (Qaran news)- Gudoomiyaha xisbiga taladda haya ee Wadani Md Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maalmihii ina soo dhaafayba ku sugnaa dalka Djibouti, socdaalka gudoomiyaha ku xigeenkiisa iyo xubno kale oo reer Somaliland aanu caawa wax ka waydiinay safiirka Somaliland u jooga dalka Djibouti ayaa noo sheegay in gudoomiye Xirsi iyo ku xigeenkiisa iyo xubnaha kaleba ay dalka Jabuuti u joogaan arimo shaqsi ah oo iyaga u gaar ah.

Waxana uu beeniyay warar ay faafiyeen dad aan xil kas ahayni oo sheegaaya in gudoomiye Xirsi uu dalka Jabuuti kula kulmay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, waxana uu Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed uu sheegay in aanay haba yaraatee warkaasi jirin oo been yahay.

Dadka cadawga ku ah Somaliland ayaa had iyo gooraale nafis ka dhigta wararka beenta ah ee lagu dhaawacaayo qaddiyadda iyo midnimadda Somaliland