Guryaynta Shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamada:
Haddii 4% – 5% miisaaniyadda loo qorsheeyo guryaynta ciidanka iyo shaqaalaha dawladda waxa la dhisi karaa 1,000 guri sannad kasta. Lacagtaas waynu haynaa waana la heli karaa, tusaale ahaan:
– Kharashka shaqaalaha dawladdu wuxuu kordhay 100% intii u dhaxaysay 2018 – 2022, waa korodh dhan USD 77 Milyan oo aan ahayn mushahar kordhin loo sameeyay shaqaalihii joogay ee ka yimi shaqaale kordhay. 50% lacagtaa ka mid ahi waxay guryo u dhisi kari lahayd 2000 oo shaqaale ama askari.
– Mashaariicda aan baahida loo qabin, tusaale ahaan kharashka ku baxay dhismayaasha madaxtooyo iyo madaxafyo waa USD 5 Milyan, waa lacag guryo u dhisi kari lahayd 250 – 300 oo shaqaale ama askar.
It always seems impossible, until it is done !!
May be an image of sky