
Mudo dheer oo ku si man inqilaabkii fashilmay ee 1961kii shacabka Somaliland waxay halgan dheer ugu jireen inay la soo noqdaan qarnkoodii hawl yaraanta gacantooda oga baxay.
Shirkii Burco ee1991kii ayaa sheekh muse Goodaad baa yidhi ma nihin gobol dal ka goostay ee waxaan nahay dad dawladnimadoodii dib ula soo noqday.
Laga bilaabo 19991kii maalin kasta cida qabata hogaaminta dalka waxay qaadayeen talaabo wax ku ool ah amaanteedana mudan, gaar ahaan labadii xakuumadood ee hogaanka u qabteen Marxuum Axmed Maxamed Maxamud Silanyo IHN iyo Muse Biixi Cabdi oo labaduba siyaasada Arrimaha Debedda meel wacan soo gaadhsiiyay.
Madaxweynaha hada hogaanka haya ee C/Raxman Maxamed Cabdillahi isaguna kamuu leexan wadadii mintidka ahayd ee siyaasada Arrimaha Debedda loo jeexay bal se wuu sii kordhiyay waxaanuu u hawl galay qaab naf hurnimo ah kana nixisay cadawga somaliland kuna riday muqlow siyaasadeed.
Madaxweyne Ciro waxa Hortaal fursad qaaliya loona baahan yahay inuu sida ugu quruxda badan oga Faaiideeyo.
Madaxweyne Ciro waxuu taariikhda ku geli doonaa waxii ugu mudnaa ee shacabka Somaliland ee xalaasha ahi u samreen 34 sano.
Madaxweyne waxaan kuugu baaqayaa inaad hayadaha Amniga qaranka xoog u labanlaabto feejignaantooda waayo cadawgii Somaliland waa naf la caari waxaanuu isku Dayi doonaa talaabo kasta oo kaa mashquulin karta yoolka aad leedahay.
Shacabka Somaliland isagana waxaan leeyahay gacmaha is qabsada oo difaaca danaha dalkiina iyo dadkuna, si buuxda oo hagar la’aan ah ula shaqeeya hayadaha amaanka, maanta oo kale waxa waajib ah inaa ka jawaabtaan yeedhmada dalka.
Iska jira wax kasta oo bulshada qaybinaya gaar cayayaanka baraha bulshada iyo madax dhaqameedka qaarkood ee shaqada ka dhigtay kala qoqobka iyo isku xoqida Bulshada somaliland ee walaalaha ah.
Ibrahim Duale Sulaiman tallaabo






