Guurtida oo Warbixinno u Dirtay Guddoomiyeyaasha Guddiyayadooda

Hargeysa(Qaran news)-Fadhigii shalay ee golaha guurtida JSL oo uu shir-guddoomiyanayay guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii fadhigu furmay waxa uu lixda guddoomiye guddi hoosaad ee golaha faray inay warbixino dhaqan-gala ka soo saaraan nuxurka doodiihii Kal-fadhiga 82-aad ee golaha, kaas oo loo qaybiyay guddoomiyayaasha guddi hoosaadyada, waxaanu ku wargeliyay in Sabtidan Sabtideeda ay golah ku soo celiyaan haddii ALLE yidhaahdo.

Kal-fadhi kastaa marka uu dhammaado ee la soo gabo’gabeeyo dooda lagu qaadaa dhigayo ajandaha kal-fadhigaasi iyo qaybaha uu ka kooban yahay, ayaa waxa laga soo diyaariyaa warbixino salka ku haya nuxurka ka soo baxa arrimihii laga doodayay.

Ajandaha Kalfadhiga 81-aad ee golaha guurtida ayaa ahaa mid lagaga dooday, xaalada guud ee dalka, arrimaha bulshada sida caafimaad, waxbarashada, deegaanka iyo khayraadka Tamarta dalka, waxaana lagu soo celiyaa shir-guddoonka golaha si ay ula wadaagaan maauuliyiinta ay khusayso nuxurka ka dhashay doodahaasi, waana sunaha shaqo ee ay ku wada shaqeeyaan Waaxyaha kala duwan Qaranka JSL.