Guurtidda oo dood adag ka Yeeshay siyaasadda gudaha iyo dibadda Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Mudanayaasha Golaha Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta dood ka yeeshay siyaasadaha Arrimaha Gudaha iyo dibadd ee JSL.

Fadhigii maanta ee Golaha Guurtidda Guurtida Somaliland oo uu guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka kowaad Mudane Siciid jaamac Cali ayaa Mudanayaasha waxay doodooda kaga warameen siyaasadaha arrimaha gudaha iyo dibadda oo ah siyaasiyan isku xidhan.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Guurtidda ayaa soo jeediyay in kor loo qaado ammaanka xuduudaha dalka, waxayna ku baaqeen in wax laga qabto tirada dadka ajaanibka ah ee ku soo badanaya dalka.

Intii xildhibaannada Guurtiddu ku gudojireen doodooda waxa ay soo dhaweeyeen dedaalka xukuumadda ee la xidhiidha maamulka hawada, waxayna tilmaameen in xukuumaddu ay la wareegtay maamulka hawada JSL.

Geesta kalena, Mudanayaasha Golaha Guurtiddu waxa ay sheegeen in siyaasadda dibada hore loo dhaqaajiyay, waxayna ku doodeen in heshiiskii isfaham ee Somaliland iyo Itoobiya uu wax ka beddelay siyaasadii Geeska Afrika. Waxa kaloo xubno ka tirsan Golaha Guurtidu ay dalalka caalamka ku booriyeen inay u xaq sooraan Somaliland iyo Soomaaliya.

Siduu ku soo waramay Weriye ka tirsan Wakaaladda Wararka ee SOLNA, Gebo-gabadii fadhigii golaha guurtidda waxa mudaneyaasha loo qaybiyay Mudanayaasha qaybiyey Xeerka Nidaamka Garsoorka Ciidamadda Qaranka Somaliland ,kaas oo ka kooban 52 qodob.