Doorashadii hore ee uu Muuse Biixi ku soo baxay waxa is bahaystay hogaanka dhaqanka ee laba beelood is bahaysigaasi oo aan wax heshiis ah ku qotomin oo aan ka ahayn abaal celin.

Lagama fikirin hadii ninka la dooran doono uu qaladaad galo sidii loo qaban lahaa ama loola xisaabtami lahaa taasina wa ta maanta reer Somaliland oo dhan dhabarka ka jabisay.

Hadaynu u soo noqono is bahaysiga maanta waa mid ka qaan gaadhsan kii hore waxa jira heshiisyo qoran oo ay ka baaraan dageen siyaasiyiinta xisbiga Waddani iyo ururka Kaah oo mid walba ay garab taaganyihiin dhamaan siyaasiyiinta reer Somaliland ee ka soo kala jeeda gobolo iyo degmooyin kala duwan.

Taasi waxa ay sixi doontaa waxii qalooc ah mustaqbalka inagu yimaada in loo sixi doono si sharci ah oo aan dibu dhac danbe inoo gaysan