Hadal uu yiri Abiy Axmed oo dood ka dhex dhaliyay Soomaalida iyo Oromada
Doodda ku saabsan lahaanshaha magaalada Diridhabe oo socotay sannado badan ayaa mar kale todobaadkan hadalhayn dhalisay.

Arrintan waxay ka bilaabatay hadal uuu raysal wsaaraha Itoobiya, Abiy Axmed dhawaan ka jeediyay baarlamaanka dalkiisa oo ku saabsanaa magaalada Diridhabe.

Raysal wasaaraha Itoobiya oo ka hadlayay TPLF iyo arrinta ku aaddan deegaanka Walqaayit ayaa yidhi “sida ku cad dastuurka, Diridhabe waxay ka tirsanayd Gobolka Oromada.”

Waxa uu xusay in su’aalaha iyo doodaha u dhexeeya gobollada Oromada iyo Soomaalida ee ku saabsan Diridhaba ay soo taagnaayeen muddo dheer.

Dad badan ayaa ka soo horjeestay hadalkii Raysalwsaare Abiy waxayna bilaabeen inay ra’yigooda ku muujiyaan baraha bulshada.

Inkasta oo aan aad loo aqoon xilligaas, magaalada waxaa la siiyay magac lagu tilmaamo ‘Hararta Cusub’.

Intii uu socday dhismaheedu, Diridhabe waxay noqotay magaalo koraysa, iyadoo noqotay meel ku habboon deganaanshaha dadka Itoobiyaanka ah iyo kuwa ka yimid dalalka kale sida Faransiiska, Giriigga, Armenia, iyo qaar ka mid ah dalalka Carabta.

Iyada oo saldhig u ah tareenka isku xidha Addis Ababa iyo Jabuuti, magaaladu waxay noqotay xarun ganacsi oo muhiim ah, islamarkaana ay ka jirto dhaqdhaqaaq bulsho iyo dhaqaale oo xooggan.

Si kastaba ha ahaatee, markii ay xukunka qabtay Dawladda Dimuqraadiga ee Kacaanka Ummadda Itoobiya ayaa su’aasha ku aaddan lahaanshaha magaalada Diridhabe ay noqotay mid sii xogaysanaysa.

Dooddan waxay ka bilaabantay macnaha magaca Diridhabe iyo cidda ay tahay in ay leedahay, iyadoo qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalidu ay siyaabo kala duwan u fasireen.

Sannadka 2018-kii, Dr. Darajjee Fayyisaa ayaa sameeyay cilmi-baadhis ku saabsan socdaalka dadka ka soo jeeda miyiga ee guuray magaalada Diridhabe.

Cilmi-baadhistiisa, wuxuu qoray: “Intii u dhaxaysay 1991 ilaa 1993,Diridhabe waxay ka tirsaneyd Oromiya, waxaana maamulayay Ururka Dimuqraadiga ee Dadka Oromo (DHDUO)-ADWUI.”

Si kastaba ha ahaatee, arrintan waxaa si cad uga hor yimid xisbigii siyaasadeed ee Soomaalida ee u dagaallami jiray Xorriyadda Ciisaha iyo Gurguraha.

Cilmi-baadhistu waxay muujisay in markii la aasaasay Dawlad-Deegaanka Soomaalida sanadkii 1993, ay Diridhabe ay ahayd caasimadda deegaankaasi.

Maaddaama su’aasha lahaanshaha magaalada ay muran weyn ka dhex dhalisay labada dowlad-deegaan ee Oromada iyo Soomaalida, dawladda dhexe ee Diridhabe uu hoos yimaado dowladda federaalka.

Xeerka lagu maamulo magaalada Diridhabe

Si loo helo xal ku-meel-gaadh ah oo lagu wajaho muranka lahaanshaha magaalada Diridhabe ee u dhexeeya dowlad-deegaannada Oromada iyo Soomaalida, waxaa la go’aamiyay in maamulka magaalada lagu wareejiyo dawladda federaalka.

Intaas kaddib, sannadkii 2004-tii (1996), waxaa la ansixiyay xeer lagu magacaabo Dastuurka Maamulka Magaalada Diridhabe (Lambarka 416/2004).

Xeerkan wuxuu dhigayaa in ilaa laga gaadhayo “xal waara oo sharci ah” oo lagu go’aaminayo degaanka ay magaaladu ka tirsan tahay, diridhabe ay is-maamuli karto (maamul iskeed u madax bannaan) iyadoo hoos timaadda dowladda federaalka.

Sidaas darteed, magaalada Diridhabe waxaa lagu go’aamiyay in ay ku shaqayso nidaam ay maayarkeeda iyo maamulka sareba mas’uul ka yihiin labada dhinac — Golaha magaalada iyo dowladda federaalka.

Tareenka magaalada Diridhabe

Xigashada Sawirka,Getty Images

Waxaa sidoo kale lagu heshiiyay in xilka duqa magaalada Dirihabe lagu kala wareego shantii sannaba mar oo oromada iyo Soomaalida uu midkoodba mar qabto.

Dhanka kale, cilmi-baaris uu sannadkii 2017 qoray Balaw Warquu oo ku saabsan xiriirka u dhexeeya qowmiyadaha Oromo iyo Soomaali ee magaalada Dire Dawa, wuxuu sheegay in nidaamka awood-qaybsiga ee labada qowmiyad u dhexeeya “ka saaray tartankii siyaasadeed ee xooggan, isla markaana abuuray meel siyaasadeed oo aan tartan dhab ah ka jirin.”

Qareen ku takhasusay arrimaha dastuurka oo la yidhaahdo Daani’eel Asaffaa, ayaa sheegay in aasaaska maamulka magaalada Diridhabe lagu sameeyay iyada oo aan lagu salayn dastuurka dalka.

Isagoo ka hadlayay wareysi uu hore u siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in sababtaas darteed uu jiro muran iyo su’aalo badan oo ku saabsan sharciyadda maamulka magaalada.

 

Source bbcsomali