Hadalka Garaad Mukhtaar ka soo yeedhay Mar-labad wuxuu daaha ka rogaya qorshaha dhabta ah ee Garaadada Midigta Fog.
Hadalka ka soo yeedhay Mar labad Garaad Mukhtaar Garaad Cali, ee ah in qorshahooda Laascaanood ku xigaa yahay Ceerigaabo,
waa mid muujinaya qorsheyaal soo socda oo ka duwan kii Laascaanood ka taagnaa ee bulshada Gobolkaasi abuurtay ee dad badan oo reer Somaliland ahina ku garab istaageen,
balse hadalka garaad mukhtaar waxa uu abuuray shaki ah in uu jiro in colaad dheer oo Gobollada iyo dadka oodwadaagta ah lagu dhex abuuro, fidno cusubna lagu fidiyo Gobollo kale.
Hadalkan waa mid dhaawac weyn ku ah rabitaankii shacabka reer laascaanood, wuxuna muujinayana qorsheyaal qarsoon oo u adeegaya kicin iyo isku dir dadka Walaalaha ah ee sida nabadda ah ugu wada nool gobalka Sanaag.
Dadka reer laascaanood waaxan u rajaynaya Nabad iyo Barwaaqo waarta idamka alle
Xoghayaha Cadaaladda xisbiga waddani yoonis axmed yoonis.