Madaxweynaha dalka Maraykanka hadalka uu jeediyay ee uu kaga hadlay labada dal ee Somaliland iyo Somalia waa aqoonsi buuxa oo uu siiyay dalka Somaliland oo ah dal dimuquraadi ah oo mudo 35 sanadood ah si gaar ahna isu maamulaayay.
Dadweynaha ku dhaqan dhamaan magaalooyinka Somaliland ayaa soo dhaweeyay hadalkii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ahaa Soomaaliya iyo Somaliland ay kala yihiin laba waddan oo kala duwan.
Iyada oo hadalkaasi Madaxweynaha Maraykanka laga duulaayo waxa uu ka dhiganyahah aqoonsi toos ah oo uu Madaxweyne Donald Trump uu hawada u mariyay Somaliland.





