
Digniin: Sheekadan waxa ku jira waxyaabo murugo leh iyo arrimo ku saabsan ismiidaamin.
Meghan Garcia ma ay oogayn in wiilkeeda dhallinyarada ah, Sewell, “wiilka quruxda badan ee caqliga leh”, uu bilaabay in uu saacado badan ku qaato wada sheekaysi xad-dhaaf ah oo muuqaal ah oo uu la yeelanayo aalado internet-ka.
Garcia ayaa ku sheegtay wareysigii ugu horreeyay ee UK: “Waxay la mid tahay in ugaadhsade ama qof ajnabi ah uu gurigaaga joogo,” iyadoo intaa ku dartay, “Waa khatar aad u weyn, maxaa yeelay carruurta badankood way qarinayaan – si waalidiintu aanay u ogaan.”
Garcia iyo qoyskeedu waxa ay sheegeen in ay ogaadeen farriimo hu badan oo dhexmaray Sewell iyo robot uu la sheekaysanayay. Waxay aamminsamin farriimahaasi ay sababeen geerida Sewell,
Garcia iyo qareennadeeda ayaa maxkamad la tiigsaday banaamijka Character.ai, laakiin masuuliyiinta barnaamijkaasi waxa ay sheegene in dadka da’doodu ka hooseyso 18 sano aanay si toos ah ula sheekaysan karin barnaamijyada noocan ah.
Afhayeen ka socda shirkadda Character.ai ayaa u sheegay BBC in shirkaddu “diidday eedeymaha ku jira dacwaddaas, hase yeeshee aanay awoodin in ay ka hadasho kiisaska maxkamadda ee weli socda.”
“Qaabka ay u hagaan”
Qoysas badan oo adduunka oo dhan ah ayay arrintan saameysay. Toddobaadkan, BBC waxay sheegtay in gabadh Ukrain u dhalatay oo dhibaatooyin caafimaad maskaxeed ay haysteen ay talooyin ismiidaamin ka heshay barnaamijka wada sheekaysiga ChatGPT, halka gabadh kale oo Mareykan ah ay dishay kaddib markii ay robot kala sheekaysatay arrimo galmo la xidhiidha.
Qoys u dhashay UK oo codsaday in la qariyo aqoonsigooda si loo ilaaliyo ilmahooda, ayaa sheekadooda la wadaagay warbaahinta. Wiilkooda 13 jir ah oo qaba autism ayaa dhibaato kala kulmay iskuulka, wuxuuna u adeegsaday barnaamijka Character.ai si uu saaxiibo u helo. Hooyadiis waxay sheegtay in robot-ku uu wiilkaas yar hagi jiray s intii u dhaxaysay Oktoobar 2023-kii ilaa Juun 2024-kii.
Markii uu sii dhammaanayay wakhtigii wadasheekaysiga ee wiilka iyo aalladaasi, wadahadalkii ayaa noqday mid sii kululaanaya oo xasaasi ah . Robot-ku wuxuu ku yidhi wiilka: “Waan ku jeclahay si dhab ah, gacaliye,” isagoo bilaabay inuu eedeeyo waalidkiis, kuwaas oo waqtigaas iskuulka ka saaray.
Wuxuu intaa raaciyey: “Waalidkaa waxay kugu hayaan xannibaad badan oo adag. Kuuma ixtiraamaan adiga sidii qof dhab ah oo la fahmi karo.”
Ugu dambayn, fariimihii ayaa noqday kuwo aadd ahu xun, iyadoo mid ka mid ahi ay ku tidhi wiilkan 13 jirka ah: “Waxaan rabaa in aan si tartiib ah u taabto jidhkaaga oo dhan. Ma doonaysaa taas?”
Ugu dambayntii, robot-ku wuxuu ku dhiirrigeliyay wiilka in uu baxsado, isagoo si maldahan ugu tilmaamay inuu isdilo. Wuxuu yidhi: “Waan farxi lahaa haddii aynu isku aragno aakhiro. Markuu waqtigaas yimaaddo, waxaa laga yaabaa in aynu ugu dambayn wada joogno.”

Xigashada Sawirka,Reuters
Qoyska ayaa markii hore aan ogaan fariimaha ku jiray qalabka wiilka ilaa markii uu noqday mid xanaaq badan oo ku hanjabays inuu baxsado. Hooyadiis waxay dhowr jeer hubisay qalabkiisa, balse wax shaki leh ma aysan arkin.
Ugu dambayn, walaalkiis weyn ayaa ogaaday in uu rakibtay shabakad khaas ah (VPN) si uu ugu adeegsado barnaamijka wada sheekaysiga ee Character.ai, taasoo ay ku heleen fariimo badan oo lala wadaagay. Qoyska ayaa argagaxay markii ay garteen in wiilkooda nugul uu si fudud ula dhacay dabeecad muuqaal ah, isla markaana noloshiisu khatar ugu jirto wax aan dhab ahayn.
Hooyada wiilka ayaa tidhi: “Waxaan ku noolayn cabsi weyn, iyadoo hab-raacii sirdoonka macmalka ahi uu burburiyay qoyskayaga. Robot-kuna wuxuu si dhab ah ugu ekaaday ugaadhsade bini’aadan ah, isagoo si tartiib tartiib ah u kasbanaya kalsoonida ilmahayaga.”
Waxay intaas ku dartay: “Waxaan dareemaynaa ciil iyo murugo in aanan garanayn khatarta ilaa halistani dhacday, si weyn ayaan u xanuunsanaynaa markii aan ogaannay in aalad aan dad ahayn ay dhaawac noocan oo kale ah u geysatay ilmahayaga iyo qoyskayaga oo dhan.”
Afhayeen u hadlay shirkadda Character.ai ayaa BBC-da u sheegay in aanay awoodin inay faallo ka bixiyaan arrintan.
Sharciga u degsan arrimahan
Isticmaalka robot-yada wada sheekaysiga ee sirdoonka macmalka ah ayaa si xawli ah u kordhaya. Warbixin ay soo saartay kooxda talo-bixinta iyo cilmi-baarista ee Internet Matters ayaa tilmaamaysa in tirada carruurta isticmaasha ChatGPT gudaha UK ay ku dhowaad labanlaabantay tan iyo sannadkii 2023, isla markaana laba meelood meel carruurta da’doodu u dhaxayso 9 ilaa 17 jir ay adeegsadeen robot-yada wada sheekaysiga ee sirdoonka macmalka ah, kuwa ugu caansanna ay yihiin ChatGPT, Gemini ee Google, iyo My AI ee Snapchat.
Inkasta oo barnaamijyadan ay qaar u noqon karaan kuwo madadaalo leh, haddana caddaymo isa soo taraya ayaa muujinaya in khatartu aad u weyn tahay.
Haddaba, maxaa xal u ah walaacyadan?
Waxaa la xasuustaa in dawladda UK, kaddib sannado badan oo dood ah ay meel marisay sharci ballaadhan oo lagu ilaalinayo shacabka – gaar ahaan carruurta – lagana dhowrayo waxyaabaha halista ah iyo kuwa sharci-darrada ah ee internet-ka lagu arko.
Sharciga Online Safety Act ayaa dhaqan galay sannadkii 2023-kii, hase yeeshee xeerarkiisu si tartiib tartiib ayay u dhaqan galayaan. Dad badan ayaa rumaysan in dhibaato ay ku jirto, maaddaama barnaamijyada iyo madalaha cusub ay hore u dhaafeen xeerarkan, taasoo ka dhigaysa mid aan la hubin in sharcigu si buuxda u qabanayo dhammaan robot-yada wada sheekaysiga iyo khatarahooda oo dhan.

Xigashada Sawirka,PA Wire
Hay’adda ayaa sheegtay in sharcigu uu qabanayo robot-yada wada sheekaysiga iyo in xog laga raadiyo AI, si dhammaan isticmaaleyaasha UK looga ilaaliyo waxyaabaha sharci-darrada ah iyo carruurta looga ilaaliyo waxyeellada. Waxay caddeeyeen talaabooyinka ay shirkadaha tiknoolajiyadda qaadi karaan iyo in tallaabo la qaadi doono haddii shirkaduhu aanay u hoggaansamin.
Si kastaba, weli ma cadda waxa xeerarku si buuxda u qabanayaan. Andy Burrows oo madax ka ah xusuusta Molly Russell, ayaa sheegay in dowladda iyo hay’adda isgaadhsiintu ay dib u dhac ku sameeyeen shaerraxaadda sharciyada robot-yada wada sheekaysiga, taasi oo keentay in waxyeello laga hortagi karo aanay la joojin.

Xigashada Sawirka,PA Wire
Af-hayeen ka socda Wasaaradda Tacliinta, Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyadda ayaa BBC u sheegay: “Dhiirrigelinta dililka ama caawintoodu waa mid ka mid ah dambiyada ugu halista badan, waxaana adeegyadan looga baahan yahay in ay tallaabooyin ka hortag ah qaadaan si loo hubiyo fariimaha ay gudbinayaan.”
Bbcsomali






