Marka hore, waxa aan halkan hambalyo iyo boogaadin u marinayaa Duqa (Mayor) cusub ee Degmada Berbera Mudane Maxamed Ibrahim Ismaaciil (Maxamed Dable) iyo Duq-ku-xigeenka (Deputy Mayor) Mudane Baashe Cabdillaahi Ibrahim (Yacquub) oo maanta, 26/07/2026, golaha deegaanka ee Berbera u kala doorteen xilalkaasi. Marka labaadna, waxa aan illaahay uga baryayaa in uu labadoodaba ku asturo xilkaas ay qaadeen ee loo igmaday. Waxa kale oo aan Mudane Maxamed iyo Mudane Baashe-ba ku boorin lahaa in ay ka shaqeeyaan sidii ay u mideyn lahaayeen 13 mudane ee golaha deegaanka Berbera maadaama ay yihiin guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xieenka golaha deegaanka. Dhamaan xubnaha Golaha Degaanka Berberana waxa aan xusuusin lahaa gudashada Waajibaadkooda ee sida buuxda ugu qeexan Xeerka Ismaamulka Gobolladda iyo Degmooyinka, Lr. 23/2019.

Ugu denbeyntii, waxa aan u rajeynayaa mustaqbal fiican duqii hore ee degmada Berbera Mudane C/shakuur Maxamuud Xassan (C/shakuur Cidin) iyo Ku-xigeenkiisii Mudane Nuur Cabdi Jaamac (Nuur Cadde). Waxa aan leeyahay wixii aad u qabateen degmadiina, dadkiina, iyo deegaankiinaba waxa xusi doonta taariikhda aan wax hilmaamin.

Allaa Weyn. Qofkii Aaminaa Awood leh.