Anniga oo ku hadlaaya magacayga iyo magaca asxaabta igula sugan hada magaalada Jeddah ee dalka ‘Saudi Arabia’, waxa aanu jecleysanay in aan hambalyo iyo bogaadin hawada u soo marino Xukuumadda Cusub ee uu soo dhisay madaxweynaha JSL Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro). Waxa kale oo iyana xusid mudan in Xukuumadda ay ka soo muuqdeen beelo aan hore u heli jirin wasiir buuxa, taasna amaanteedana waxa iska leh madaxweynaha gartay, kuna dhiiraday in uu sameeyo magacaabistaas taariikhiga ah.
Hadaba, waxa aanu soo jeedineynaa in xukuumadaas la is garab taago oo lala shaqeeyo. Waxa kale oo lagu arkaayay baraha bulshada (social media) shakhsiyaad ka muujiyay cabasho iyo saluug Golaha Wasiirada ee cusub. Sheydaan ayaa deg-deg eh, waxa fiican in aynu ka war sugno inta laga dhameys tiraayo dhismaha xukuumada iyo dowlada. Waxa dhici karta in ay xal ama daawo u noqon karto cabashooyinka laga hadlaayo. Midna waa in la ogaado waxa kasta oo dad sameeyo ma dhaliil iyo qabyo la’aado.
Kayse Guray
ALLAH MAHAD LEH