Guud ahaan magaalada Hargeysa ayaa ay doorashadu si nabdoon uga socotaa iyada oo goobo badan oo cidhiidhi ahaa saaka ay hada faaruq ku dhowyihiin oo aad looga codeeyay walina ay socoto codayntu

Waxa jira goobo badan oo ay saak cabasho ka soo yeedhay hase ahaatee waa la xaliyay goob kastab inta badan dadweynah reer Hargeysa ayaa si nabdoon u codaynaaya oo leh masuuliyad iyo ixtiraam la tixgalinaayo dastuurka iyo shuruucda doorashooyinka.

Inkasta oo uu madaxweyne Muuse Biixi yahay musharax ka soo jeeda magaaladda Hargeysa ama gobolka Maroodijeex ma noqon doono mid hanta aqlabiyada magaaladda Hargeysa iyo ta gobolka Maroodijeex sababo la xidhiidha wax qabad la’aantiisa iyo hab dhaqankiisa siyaasadeed ee guracan, inkasta oo la saadaalinaayo in Mr Biixi uu tiro yar kaga sarayn doono musharax Cabdiraxmaan Cirro, hadana waxa la saadaalinayaa in uu Cirro uu guulo waawey uu kala soo hotan doono dhamaan gobolada dalka oo dhan oo hada wararka hordhacah ahi ay sheegayaan in uu ku horeeyo.

Musharaxa mucaaridka ee xisbiga Waddani ayaa lagu wadaa in uu ku guulaysto doorashada maanta dhacday ee la filaayo in ay soo xidhanto abaaro 6 galabmimo ee maanta.

La soco