Masaajidkii Xawaadle Sh. Aadan Siiro Durba Wuu Tebay
W/Q: Cali Cabdi Coomay
= 17 Juulay 2022 ayaa Sheekh Aadan lagu aasay xabaalihii uu aasaaskooda lahaa Alle ha u naxariisto ee Baqiic. Waxa dhimashada Sheekha ka soo wareegay muddo sagaal bilood ah. Kaalintii uu bulshada kaga jiray waa markiiba la tebay oo aanay jirin cid buuxin kartaa, marka la eego dhinaca samafalka.
Sannad kasta waxa dib-u-habeyn lagu sameeyaa Masaajidadda marka ay soo dhawaato bisha barakaysan ee Rabadaan.
= Waxa laga beddelaa rinjiga iyo gogosha.
Sannadkii hore Sheekh wuu noolaa oo masaajidka iyada oo aanay bishu soo gelin ayuu ka beddelay rinjigii iyo gogoshoo lagu tukan jiray, inta badan ama isaga ayaa bixin jiray ama cid kale ayaa Sheekh ku odhan jirtay annaga ayaa doorkan bixinayna.
Doorkan waxa la helay rinjigii oo keliya oo dadkii ku tukanayey ayaa laga ururiyey. waxa se meesha ka baxay gogoshii ama roogagii masaajidka laga beddeli jiray, waxaana dhacday inay ballanqaadeen laba nin oo ganacsato ah oo ay isku deegaan yihiin Sheekha,
hasayeeshee ay ka baxeen ballantii. Oo masaajidkii aanu helin gogoshii laga beddeli jiray.
May be an image of 1 person