Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqay in dil toogasho ah lagu fulin doono Nidal Malik Xasan, oo ahaa sarkaal iyo dhakhtar ka tirsanaa ciidamada Mareykanka.
Tani waxay noqon doontaa dilkii ugu horreeyay ee askari Mareykan ah lagu fuliyo toogasho tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Xassan ayaa 5-tii November 2009 ku toogtay saldhigga Fort Hood ee Texas 13 askari oo Mareykan ahaa oo aan hubaysnayn, halka 32 kale ay ku dhaawacmeen dhacdadaa.
Afhayeenka Pentagon-ka Sean Parnell ayaa sheegay in Xoghayaha Difaaca Pete Hegseth uu soo jeediyay in Xasan lagu fuliyo dil toogasho ah, isla markaana Madaxweyne Donald Trump ansixiyay.
Xasan waxaa lagu helay 13 dacwadood oo dil ah iyo 32 dacwadood oo isku day dil ah. Guddiga maxkamadda oo ka koobnaa 13 sarkaal ayaa si wadajir ah ugu taliyay in lagu xukumo dil.
Parnell ayaa sheegay in waqtiga iyo goobta lagu fulinayo xukunka la go’aamin doono. Wuxuu bartiisa X ku qoray: “Maalintii xisaabtanka Xasan ayaa ugu dambeyn timid.”
Intii lagu jiray maxkamadeyntiisa militari ee 2013, Xasan wuxuu sheegay inuu aaminsanaa inuu ilaalinayay Muslimiinta iyo Taalibaanka ee Afghanistan, isagoo sidoo kale qirtay inuu ahaa qofkii toogashada geystay.
Weerarkii 5-tii November 2009 ayaa loo arkaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee aan militari ahayn ee lagu qaado saldhig ciidamada Mareykanka ah taariikhda dalka.
Bbc somali





