Maxkamada sare ee Somaliland ayaa maanta dhaarisay Aamina Cilmi Fariid Badeed oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaysa Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL.
Xildhibaan Aamina Cilmi Fariid Badeed ayaa buuxisay jago ka banaanaatay Golaha wakiillada, taasi oo uu baneeyay Marxuum Nuur Cismaan Guuleed Warsame oo ka mid ahaa mudanayaashii xisbiga UCID ee laga soo doortay Gobolka Awdal.
Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u  gudbiyay  in loo dhaariyo marwo Aamina Cilmi Fariid Badeed jagada ka banaanaatay Golaha Wakiilada, si ay u gudato waajibaadkeeda shaqo.
Waxay noqon doonta xildhibaanka kaliya ee dumar ah ee ka mid ah noqon doonta golaha wakiiladda.
May be an image of 2 people