Haweenay la Nool HIV/AIDS oo Shaacisay inay Dayac an Yihiin

Hargeysa(Qaran news)-Mid ka mida hooyooyinka la nool xannuunka HIV/AIDS, isla markaana ka mida 48 qof oo xannuunkan ka wacyigeliya bulshada ayaa sheegtay in ay dayac badan qabaan.
Hooyadani waxa ay xustay in dadka xannuunka la nooli ay la kulmaan hagardaamooyin badan, sida takoor, shaqo la’aan, waxbarasho la’aan iyo waliba in goobaha shaqada laga soo eryo marka la ogaado in uu qabo xannuunka HIV/AIDS.

Sidoo kale waxa ay tilmaantay in ay jiraan dadka qaar markii baadhitaan lagu sameeyay ee laga helay xannuunka ay Waasheen isla markaana ku xidhan yihiin qaar ka mida cisbitaalada dalka, halka kuwa kalena eheladoodu ay eryeen.

Hooyadani waxa ay golayaasha sharcidejinta ka codsatay in la sameeyo Xeerkii iyaga iyo bulshada u dhaxayn lahaa.
Waxaaney tidhi.“Dadka la nool xannuunka HIV/AIDS waa la takoora, ma shaqaystaan, danyar ayay u badan yihiin, waxaanu ka codsanayna dowladdayada in takoorka bulshadu ku hayso laga daayo, dad waxa jira intay shaqo soo doontaan marka xannuunka laga helo sidaasi lagaga eryo, iyaga oo shaqaynaya ayaa xannuunkaad la nooshahay shaqada lagaga eryayaa, goobaha shaqada ee nalaga caydhinayo dowladda ayaa ka masuul ahe wax haka qabato”
Hooyadani waxa ay golayaasha sharcidejinta iyo xukuumadda Somaliland ka codsatay curinta xeerkii lagu dhaqilahaa dadka xanuunkan qaba iyo kuwa aan qabinba, si ay u helaan xaqooda dastuuriga ah.
Waxaanu yidhi.“Anaguna xaq ayaanu leenahay, dadweynuhuna xaq ayay leeyihiin ee xeerkii anaga iyo bulshada nakala xadaynlaha hasameyso, oo baarlamaanku ha ansixiyo, anaguna waanu badbaadayna dadweynuhuna way badbaadayaan.

Waxaanahay 48 qof oo qaba xanuunka Aids-ka, Gobolada dalkana waanu ka wacyi-galinaa xanuunka, dadka guryaha ayaanu ku booqanaa, suuqyada ayaanu tagna meel walba waanu marnaa, wixiinayeela waanu soo kaxaynaa cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ayaanu keenaa, baadhitaan ayaa lagu sameeya wixii laga helo waala wacyigelinaya, wixii kalena waala fasaxaya oo maba xannuunsanayo, dadkayaga xannuunka qaba qaarba waalan oo xanuunka Maanku u dheer yahay, qaarba waalan oo aanu gidaarada ka soo qabanay oo cisbitaalada ku jira imika oo ku xidhan waashay markii xannuunka laga helay, dadba ehelkoodii tuuray oo guryo loo kireeyay oo Komishanka xakamaynta HIV/AIDS ka bixiya ”
Hooyadani waxa ay sheegtay in takoor la takoorayo darted caruurtooda looga soo eryo goobaha waxbarashada dalka, waxaanay dowladda Somaliland ka codsatay in goobaha waxbarashada loo amro si mustaqbalka ubadkoodu u fiicnaado.
Waxaaey tidhi. “Waxaan dowladda iyo hay’addaha caalamiga ah u sheegaya in bulshadayada la nool xannuunka daryeel siiyaan, oo nalaga warhayo, carruurtayda haddii uu dhiganlaha waxa uu odhanaya haydirin takoor ayaan ka baqanayaa, waalidiinta xannuunka HIV/AIDS la nool ubadkoodu waxba ma bartaan, dadkayaguna waa wada sidaas, haddii nala ogaado waxbarashada markaaba waa nalaga soo eryayaa, dowladdu wax ha noo qabato oo goobaha waxbarashada haku qabsabto in carruurtayadu wax ka bartaan”.